Ku Biirista Chelsea Maxa u fududaynaa Cristiano Ronaldo…?

Xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu si aad ah hoos ugu dhigo mushaharkiisa si uu uga tago kooxda Man United.

Cristiano Ronaldo ayaa bixitaan ka dalbaday maamulka Man United inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Ronaldo ayaa u sheegay Man United in uu doonayo ka ciyaarista champions league xilli ciyaareedka dambe sidaas darteed ay iska fasaxaan.

Chelsea ayaa ilaa haatan ugu cad-cad saxiixa xiddiga reer Portugal kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso weerarkeeda.

Blues ayaa heshay dhiiri galin ay ku dhamaystiri karto saxiixa xiddiga Cristiano Ronaldo kadib markii uu xiddigu ogolaaday in uu si aad ah hoos ugu dhigo mushaharkiisa.

Chelsea ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub waxana uu Milkiilaha cusub ee chelsea la kulmay Wakiilka xiddiga Jorge Mendes isaga oo kala hadlay Saxiixa Ronaldo.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,432FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles