Xubno ka tirsan Xisbiga Waddani Oo Kulan La Qaatay Dhalinyarada…

“Dhallinyarada ayaa sidoo kale aragtidooda la wadaagay madaxda Xisbiga”

Hogaanka garabka dhalinyarada Heer Qaran ee Xisbiga WADDANI oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Cabdirashiid Cabdi Jaamac, xoghayaha garabka dhalinyarada  Cabdiqaadir Jaylaani iyo afhayeenka  Cabdiraxmaan Ismaaciil ayaa  galabta kulan la qaatay qaybo ka mid ah dhallinyarada iyo aqoonyahanka degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Qoraal ka soo baxay xisbiga Waddani ayaa lagu faah faahiyay kulankaasi .

“Masuuliyiinta ayaa xogwaran ka siiyay dhallinyarada xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorka dhalinyaradu ka qaadan karto isbedelka Xisbiga WADDANI wado kaalintooda khilaafaadka dalka ka taaggan.

Dhallinyarada ayaa sidoo kale aragtidooda la wadaagay madaxda Xisbiga islamarkaana muujiyay sida ay diyaar ula yihiin taageeridda isbedel lagu sameeyo hoggaanka dalka xilligan oo caqabado waaweyni haystaan bulshada Somaliland oo ay ugu weyn tahay duruufaha nololeed ee sicir bararku u horreeyo.

Waxa kale oo kulanka ka soo qayb galay xoghayaha dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase, Xoghayaha arrimaha bulshada MD Maxamed Sidiiq Dhamme iyo masuuliyiin kale.”

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles