Man United iyo Chelsea Kula Biirtay….

Sida lagu sheegay warbixin la yaab leh oo ay soo saartay The Guardian, Frenkie de Jong ayaa ka mid ah bartilmaameedyada khadka dhexe ee kooxda Chelsea inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Kooxda Man United ayaa muddo bilo ah wadahadalo kula jirtay Barelona si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe kaas oo ah bartilmaameedka Erik Ten Hag.

Chelsea ayaa ku dhibaatoonaysa suuqa xagaaga ilaa haatan iyada oo aan wax saxiix ah samayn xilli ay ku dhawdahay in ay Barcelona u waydo saxiixa xiddiga Raphinha.

Wargayska The Guardian ayaa sheegaya in ay chelsea doonayso in ay Man United ka hor qaado saxixa xiddiga khadka dhexe si ay ugu xoojiso kooxdeeda.

Tuchel ayaa Frenkie de Jong doonaya in uu ku xoojiyo khadkiisa dhexe laakiin chelsea ayaa u baahan shaqo adag si ay Man United ugu garaacdo saxiixa xiddiga.

Man United ayaa ku dhaw in ay Barcelona kala heshiiso saxiixa xiddiga waxana ay u baahantahay in ay dar-dar galiso dadaalda ay ku doonayso Frenkie de Jong.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles