Eeda loo jeediyay Wasaarada Ciyaaraha Somaliland

“Wiilka sidaas loo dul tuban yahay xaalkiisu wuu adkaa, waxaanu u baahnaa addeeg caafimaad”

Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xisbigga WADDANI Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa sheegay in Masuuliyiinta Wasaarada Ciyaaraha Somaliland ayna ahayn masuuliyiin ku haboon inay wasaaradaasi siimaamulaan.

Xoghayaha oo ka hadlay dhacdo shalay ka dhacday garoonka kubada cagta ee Hargaysa ayaa intaasi ku daray in masuuliyiinta Wasaarada ciyaaruhu hanta urursi ku jiraan.

 

“Tannina waa dhacdo kale oo xanuun leh oo ka dhacday maalintii Shalay Hargeysa Stadium, kulankii u dhaxeeyay labada naaddi ee Wasaaradda Ganacsigga iyo Baanka ee Horyaalka heerka koowaad ee Caasimadda.

Sidani maaha wax loo dulqaadan karo in maalin walba dhallinyarteeni sidaas u dayacan yihiin oo ay u baaxa-dagayaan, waana masuuliyaddii iyo shaqaddii Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Kubadda Cagta.

Wiilka sidaas loo dul tuban yahay xaalkiisu wuu adkaa, waxaanu u baahnaa addeeg caafimaad oo degdega ah (Ambulance), nasiib-darro ma joogo garoonka gaadhi caafimaadka ciyaartoyda u qaabilsan si loogula cararo Cisbitaaladda.

Wasaaradda Ciyaaraha oo iyadu urursata lacagta maalin kasta garoonka lagu galo, garasho la’aan kama aha inay kafaalo qaado addegyada caafimaad ee garoonadda, laakiin waa ka hagrasho iyo hanti uruursi, masuuliyiinta ugu sareeyaana maaha kuwo ku haboon inay dhallinyara intaas wax ka baddan u sii shaqeeyaan.

Madaxweynaha waxaanu ugu baaqayna inuu la xisaabtamo Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, iyada oo aynu ognahay Miisaaniyadda Wasaaradda in haddana ay tahli kari waayaan in addeeg caafimaad ay keenaan garoomadda.

Ugu dambeyntii, Xisbigga WADDANI waxa uu ka digaya in xaalku hadduu sidan ku socdo ay ka cabsi qabaan in dhallinyarada naftoodu ay halis ku jirto, ka Xisbi ahaana aanu diyaar u nahay inaanu hawshan wax ka qabano haddii aanay wax ka qaban Wasaaradda ay shaqadeeda tahay”.

Mr. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase)

Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xisbigga WADDANI

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles