Ajax Iyo Man United Oo Ka Heshiiyay Saxiixa Frenkie de Jong

Kooxda Man United ayaa u muuqata kuwo ku sii dhawaanaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong kaas oo ay kala soo wareegayaan kooxda Barcelona.

Man United ayaa Frenkie de Jong ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad ee suuqa xagaaga iyada oo uu Tababare Erik Ten Hag dalbaday in loo keeno xiddiga khadka dhexe.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Man United iyo Barcelona maanta wada qaateen wadahadalo xasaasi ah oo ay ugu dhawyihiin in ay ka heshiiyaan saxiixa xiddiga.

Isla saxafiga ayaa sheegay in ay kooxaha Man United iyo Barcelona heshiis afka ah ka gaadheen in uu Frenkie de Jong ku biiro kooxda Man United.

Laakiin saxafiga ayaa sii raaciyay in ay wali socdaan wadahadalada u dhexeeya labada kooxood si loo gaadho heshiis buuxa oo ku saabsan xiddiga.

Kooxda Man United ayaa miiska u saartay Barcelona lacag dhan 65 milyan oo euro taas oo ku kacaysa lacag dhan 86 milyan oo euro.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles