Neymar, Qaab Noocee uu Cristiano Ronaldo…

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Neymar hadii uu Cristiano Ronaldo isaga tago kooxda.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo Man United todobaadyadii ugu dambeeyay xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa.

Kooxda chelsea ayaa xitaa wadahadalo la qaadatay wakiilka Cristiano Ronaldo Si ay ugu qanciyaan in uu Stamford Bridge yimaado.

Hadii uu Cristiano Ronaldo ka tago kooxda, Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga PSG ee Neymar sida laga soo xigtay RMC Sport.

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay suuqa dhigtay xiddiga Neymar iyada oo kooxdu iska iibinayso hadii uu dalab u yimaado xiddiga 30 jirka ah.

PSG ayaa Neymar ku qiimaysa lacag dhan 45 milyan oo euro waxana ay Man United u dhaqaaqi kartaa saxiixa xiddiga hadii uu Cristiano Ronaldo ka tago kooxda.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles