Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ugu dambayn dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Gabriel Jesus.
Arsenal ayaa Gabriel Jesus ka dhigatay bartilmaameedkeeda 1-aad ee suuqa kala iibsiga dhinaca weerarka iyada oo doonaysa in ay ku xoojiso weerarkeeda.
Gunners ayaa Jimicihii heshiis afka ah la gaadhay kooxda Man City si ay ula saxiixato xiddiga reer Brazil inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Fabrizio Romano ayaa haatan xaqiijiyay in ay Arsenal heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Gabriel Jesus sidaasna ku dhamaystirtay heshiiska xiddiga reer Brazil.
Romano ayaa sheegay in uu Gabriel Jesus Arsenal u saxiixay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Arsenal ilaa xagaaga 2027.
Isla saxafiga Romano ayaa sheegay in ay labada kooxood ee Man City iyo Arsenal haatan diyaarinayaan warqadaha heshiiska loogu dhawaaqayo.