Wax ka Baro Taariikhda Maykal Maariyaano

Maadaama aynu ku jirno isbuucii Xoriyada iyo Goboninada doonka Soomaalida, wax ka baro mid ka mid halgamayaashii doorka laxaadka leh ka qaatay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii la rabay in Gumeystaha reer Yurub layskaga saaro.

Maykal Maariyaano wuxuu ahaa halgamaa weyn oo ka qayb qaatay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii 1950yadii Soomaalidu ku doonaysay in xoriyadooda kaga hesho nidaamkii gumeystaha ee reer Yurub. Maykal waxa uu ku dhashay magaalada Berbera 3 January, 1914, wuxuuna ahaa curadka labada wiil ee Mariano Ali iyo Clara (Tooxyar) Mohamoud. Markii aabbihii dhintay 1918, waxay u guureen magaalada Cadan, ee Wadanka Yemen, halkaas oo Maykal iyo walaalkii ka yar Anthony la qorey iskuulka; qalin jabintiisa ka dib, Maykal ayaa halkaas wax uu mudo gaaban ka noqday macalin. Maykal isaga oo raacaya wadadii aabbihii waxa uu shaqo dawladeed ka helay maamulkii gumaysigii Ingiriiska ee Somaliland sannadkii 1934-kii, wuxuuna ahaa nin luuqado badan ku hadla, marka laga reebo luuqada Soomaaliga, waxa kale oo uu si fiican u yaqaannay luuqadaha Ingiriiska, Faransiiska iyo Carabiga.

1939kii Maykal waxa uu guursaday (Indhodeeq) Faarax Siyaad, oo ku dhalatay Jabuuti 1923kii. Maykal iyo Indhodeeq waxay dhaleen siddeed carruur ah: Norine, Catherine, Robleh, Derie, Rasheed, Adan, Lula, and Dhool.

Maykal shaqadiisii ​​ayaa urartay magaalada Burco, halkaas oo uu ku aas-aasay Naadi Atiyat-al-Rahman, oo ahaa naadi-siyaasadeed, 1936-kii, tani waxay ahayd bilawgii siyaasadda ee Maykal. 1938 kii, markii badhasaabkii Lord Dufferin uu booqday Somaliland, Maykal waxa loo doortay in uu dawladda Ingiriiska u soo bandhigo cabashada dadka, isaga oo ahaa qareen udoodayey xuquuqda dadka Soomaalida.

Sannadkii 1946-kii, markii dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan dhulkii ay Soomaalidu degto ay hoos tageen Ingiriiska, Maykal ayaa tan u arkay fursad, wuxuuna ka tagay shaqadii dowladda si uu u bilaabo ganacsi. Wuxuu u wareegay magaalada Dirir Dhaba, halkaas oo oo uu ka aasaasay shirkad gaadiidka xamuulka ah oo u kala goosha Itoobiya, Somaliland iyo Jabuuti.

1947kii Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee Italian Somaliland, oo wakiil ka ahaayeen Madaxweyne ku xigeenkii ururka Cali Shiddo iyo Maxamed Saalax (Ladane) ayaa ka codsaday Maykal in uu ka caawiyo raadinta madax-bannaanida maadaama uu ahaa garyaqaan ahna khabiir yaqaana luuqado badan. Haddaba, Maykal iyo Louis Clement Salool, oo ahaa garyaqaan iyo garsoore Soomaaliyeed oo Diridhaba joogay, waxay Muqdisho u tageen inay ka caawiyaan xisbigii SYL wada-hadalladii ay la lahaayeen Komishinka Afarta Wadan ee Qaramada Midoobay ( United States, Great Britain, USSR , iyo France), taasoo ahayd inay Qaramada Midoobay u soo jeediyaan talooyin ku saabsan masiirka saddexdii dal ee Talyaanigu gumaystay Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto. Labadan nin waxay diyaariyeen codsigii sharciga ahaa ee SYL, waxayna sidoo kale kaalin hormuudnimo ah ka qaateen qoritaanka dastuurkii SYL.

Dowladda Itoobiya oo 1897-kii heshiis ku heshay Anglo-Ethiopian Treaty oo ay ku heshay qeyb weyn oo ka mid ah dhulka Soomaalida, ayaa waxa ay aad uga cadhootay ku lug lahaanshiyaha Maykal ee ururuka SYL, maadaama uu waday dadaalo la rabay in dhamaan dhulkii Soomaalida lagu mideeyo, xornimadana laga qaato gumeystayaashii reer Yurub. Dawlada Ethiopia waxa ay xabsi guri ku gelisay xaaskii Maykal iyo caruurtiisii magaalada Diradhaba, halkaas oo uu Maykal aaday Hargeysa oo caasimad u noqotay dalkii la isku odhan jiray British Somaliland, wuxuuna ka furay nootaayo sharci oo qoraalada uqorta Maxkamadda Sare.

Maykal waxa uu ahaa nin aad ugu dhawaa halgamayaashii Somaliland ee 1940-kii: Xaaji Faarax Oomaar iyo Sheekh Bashiir Yuusuf. Maykal ayaa aad uga murugooday kana xumaaday geeridii Shiikh Bashiir oo Ingiriisku diley, balse waxa ay tani kusii dhiiri galisay in uu sii wado halgankii ay Somaliland xoriyada kaga rabtay gumaystihii Ingiriiska. Markii bishii February 1954kii ay dawladda Ingiriisku ku wareejisay Itoobiya dhulka Hawdka, ayaa dadka reer Somaliland aad uga cadhoodeen oo waddooyinka isugu soo baxeen si ay uga mudaaharaadaan go’aankaas. Maykal waxa uu aasaasay ururkii (National United Front NUF), isaga oo ahaa wakhtigaas xoghayihii guud ee SNL, ayaa loo doortay inuu hoggaamiyo wefti uu isagu hogaaminayo oo u kicitimay Wadanka Ingiriiska. Waxa weftiga isaga ku wehelinayey Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye, Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye Cabdiraxmaan Cali Yare (Dube yare). Ujeedadoodu waxa ay ahayd in ay codsi iyo cadaadis ku saaraan dawladda Ingiriiska sidii ay u soo celin lahayd dhulkii heshiisku ka lumay ee loo yaqaan ‘Haud Reserve Area’ ee lagu wareejiyey Boqortooyada Itoobiya intii lagu jiray heshiiskii Ingiriiska ee Itoobiya ee 1954.

Maykal oo saxaafada Ingiriiska la hadlaaya waxaa haddalkiisii ka mid ahaa “Ficilkaas Ingiriisku qaatay, wuxuu Somalida ka dhigaya dad guryahooda marti ku ah, mana aha taasi mid aanu aqbalayno”.

Isla sanadkaas, Maykal wuxuu hogaaminayay wafdigii 2aad ee aaday Qaramada Midoobay ee magaalada New York. Maykal ayaa ku doodayey in dawladda Ingiriisku si cad u jebisay axdiyadii ay la saxeexatay qabaa’ilka Soomaalida markii ay si xaq-darro ah ugu wareejisay Itoobiya dhulkooda heshiiskii Anglo-Ethiopian Treaty ee 1897-kii.

Waxa kale oo uu Maykal qayb weyn oo lama ilaawaana ka qaatay in Somaliland Xoriyadeeda hesho lixdankii. Maykal wuxuu xubin ka ahaa guddiga la talinta British Somaliland Protectorate oo in badan ka shaqeeyay u diyaarinta Somaliland madax-banaanideeda ay ka qaadanaysay Ingiriiska. Waxa kale oo xusid mudan in Maykal siyaasadiisu aragti ahaan ay ka duwanayd xisbiyada kale. Maykal iyo Xisbigiisa NUF wuxuu aaminsanaa in Somaliland mudo sideed sano ah Maamul hoosaad la siiyo, si ay dawladnimadu waxay tahay usii barato, hadhawna marka ay xoriyada qaataan ay ciday doonaan la midoobaan. Ina Cigaal oo 1997-kii ka hadlaayay, Airport-ka Hargeysa markii la furaayay waxaa haddalkiisii ka mid ahaa “Lixdankii ayaynu godob galnay, waddo ayaa la inoo jeexay, waddadii ayaynu ka baydhnay, waddadaasna waxaa hayay Xisbigii NUF ee Maykal hogaaminayey,Lakiin waynagii ku qaylinayney ee lahayn “NAF”, lama qaadan taladii Maykal ee waa tii si kafiirsasho la’aan ah Somaliland ay Somalia ula midoowday.

Waxa kale oo Maykal ka qayb qaatay halgankii qalinka ee la rabay in Soomaalidii Kenya dib loogu soo celiyo Jamhuuriyada Soomaaliya. Maykal qudhiisa ayaa Radio Muqdisho ka qabtay barnaamij la magac baxay Baahida Umadda Soomaaliyeed (Needs of the Somali People), wuxuuna 1962-dii ka bixiyay talooyin ku saabsan xaaladda NFD. Waxa uu ka mid ahaa dadkii hormuudka ka ahaa dagaalladii aqooneed ee lagu qaaday Kenya isaga oo qoraalo badan ka qorey una dirayey dawladaha aduunka.

Maykal oo Radio Muqdisho fariin uga diray Soomaalidii Kenya ayaa yidhi sidan “Waxa ugu wanagsan ee ay dadku u baahan yihiin waa inay si cad u caddeeyaan mowqifkooda, oo ah 1) inay ka go’aan Kenya iyo 2) inay la midoobaan walaalahooda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Soomaali oo dhan ayaa idinku taageersan arinkaas. Waanu kula shaqayn doonaa Garabkiinana waanu garab taaganahay. Afrika oo dhami waxay rabtaa uhuru (xoriyad) adiguna qaybtaada ayaad rabtaa. Waana in aad saamiga xoriyada ee walaaladaada Soomaalidu heshay aad idinku heshaan”.

Ka dib xornimadii iyo midowgii Somaliland iyo Somalia, Maykal waxa uu xubin ka noqday Baarlamaankii Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Waxa markale Maykal uu uu ka qayb galay doorashadii golaha wakiilada ee 1969-kii, waxaanu ku guulaystay xubinimada magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Markii uu Cigaal noqday Ra’iisul Wasaarihii 3aad ee Soomaaliya 1967-kii waxa uu Maykal u magacaabay Wasiirka Qorsheynta. Waxa uu xilkan hayay ilaa 1969-kii, iyada oo markii dawladii kacaanku dalka qabsatay la xidhay Maykal iyo dhamaan golihii wasiirada ee xukuumadii Cigaal.

Afar sano ka bacdi waxa lasoo daayey Maykal, wuxuuna xoogga saaray ganacsigiisa oo ay maamuli jirtay xaaskiisa intii uu xabsiga ku jiray.

Laakiin markale waxa loo baahday khibradii iyo waayo-aragnimadii Maykal ulahaa dublamaasiyadda iyo sharciga, Sannadkii 1977-kii markii ay Soomaaliya dagaalka la gashay Itoobiya si ay dib ugu soo ceshato dhulka Soomaalida ee ay Itoobiya xoogga ku haysato, waxay dawladii kacaanku u yeedhay Maykal iyo Dr. Cali Cabdiraxmaan Xirsi oo ahaa bare taariikhda wax ka dhiga kulliyadda waxbarashada ee Lafoole, si ay gacan uga geystaan ​​diiwaan gelinta sheegashada taariikheed ee Soomaaliya ee dhulka Ogaadeeniya. 1982 tani waxay keentay daabacaadda jariiradii la odhan jirey (The Somali Peninsula )ee kasoo bixi jirtay Wasaaradda Warfaafinta.

Maykal waxa uu safiir kasoo noqday wadamo badan sida Wadanka Zambia oo uu safiirka Soomaaliya ka ahaa.

1986-kii ayuu Michael ka fariistay shaqada dowladda ka hor inta uusan dhiman 1987-kii, waxaana aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Ugu danbayn, sida aan kor kusoo xusay Maykal Maariyaano waa halgamaa ku suntan dhamaam halgamadii qalinka iyo aqoonta ee dhulka iyo deegaanada Soomaalida loogu doonayey in xoriyad ku hesho, wuxuu ahaa halgamaa ka qayb qaatay gobonimodoonkii afar ka mida Shantii Somaliyeed, NFD, Italian Somaliland, Hawd And Reserve Area, iyo British Somaliland.

Hadaba su’aasha isweydiinta mudan waxa weeye goorma ayaa xaqa iyo mansabka taariikhdii Maykal lahayd la siinayaa? Maxaase taariikhdaas bada ah ee halgamaa Maykal Mariano loo duudsiyey?

Soomaalidu waxay dhaqan soo jireena u lahayd in qofka la siiyo libintiisa, la sheego badheedhihiisa lagana xistiyin magaciiisa iyo maalmihiisa.

Salaan Carabay baa Yidhi:-
( Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine,
Xaasha’e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe).

M .N.Fadal baa isna Yidhi:-
( Berina ha la Aasee Nin Ragga Baqaskii Waa Ceeb
Benderna caasibaa loogu go’ay ina bidaaroow).

Gaariyaa ayaa isna Yidhi :-
( Waxaan Godobtiisu Hadhin
Gar Aad Leeduhuu Ogyahay
Nin Kaaga Masuugay Golle ).

Hada ogoow intan aan halkan ku qoray kama duwan Bada Indian Oceanka oo galaan biyo ah la daray, intani waa qadhiidh aad u yar, taariikhda Maykalna waa mid udhiganta galaankaa bada la daray waayo waa mid baaxaad weyn oo balaadhan. Laakiin waxaan rajeenayaa in ay intani dad badan oo aan taariikhdiisa hayn ay unoqoto fure, dabadeed aad iskiin uraadisaan taariikhdiisa ugana sheekeeyaan cid kasta.

In taariikhda iyo libaha halgamayaasha Soomaalida sida Maykal Maariyaano la barto, lana siiyo xaqa taariikheed ee ay leeyihiin iyo doorkii laxaadka lahaa ee ay ka qaateen gobonimodoonka Soomaalida waa mid waajib ku ah qofkasta oo Soomaali ah.

 

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles