Man United Uu Ka Doortay Liverpool…

Erik ten Hag ayaa hadda bartilmaameedsanaya weeraryahan ka ciyaari kara dhamaan 3-da boos ee weerarka ka dib markii Darwin Nunez uu diiday Manchester United kana doortay Liverpool.

Xiddiga reer Uruguay Ayaa ku biiray Liverpool bilowgii bishan kadib markii ay kooxda Klopp saxiixa xiddigii hore ee Benfica ku garaacday kooxda Man United.

United ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Nunez laakiin xiddiga ayaa ka doortay Liverpool isaga oo iska diiday ku biirista kooxda Red Devils.

Man United ayaa Nunez u doonaysay badalka mustaqbalka Fog ee Cristiano Ronaldo waxana uu 22 jirku ka ciyaaraa weerarka tooska ah.

Sida laga soo xigtay ESPN, Tababaraha Man United ee Ten Hag ayaa haatan bartilmaameedsan doona xiddig ka ciyaari kara dhamaan boosaska weerarka.

Xiddiga Ajax ee Anthony ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee Ten Hag maadama uu xiddigu ka ciyaari karo dhamaan boosaska weerarka.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles