Jigjiga lagu daah-furay bandhig-carweed ganacsi

Waxaa magaalada Jigjiga lagu daah-furay bandhig-carweed ganacsi oo heer qaran ah.

Bandhig-carweedkan oo ay ka qeyb-galayaan in ka badan 350 ergo ayaa waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Mercy Corp oo kaashanaysa hay’adaha dowladda ee ay bah-wadaagta yihiin ee heer deegaan.
Ujeeddada loo qabtay carwo-bandhigeedkan ayaa ahayd xoojinta isku xidhka ganacsatada kala duwan iyo xidhiidhinta suuqyada dalka iyo deegaankaba.

Bandhig-suuqeedkan oo socon doona muddo 2 maalmood ah ayaa waxaa ahmiyadda uu leeyahay ka war-bixiyay Wasiirka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS, mudane Xuseen Gaydh oo tilmaamay in carwadan laga faa’iidi doono dhanka is dhexgalka ganacsatada kala duwan ee dalka Iyo deegaankaba, si kor loogu qaado wax-soo-saarka suuqa.

Qaar ka mid ah ganacsatadii ka soo qeyb-galay carwadan ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay caanka ku yihiin iyaga oo war-baahinta Deegaanka u sheegay in khibrado kala duwan ay ka faa’iidayaan inta uu socdo carwo-bandhigeedkani.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles