Jawaabtay Juventus Ay Kabixisay Dalab Xiddig…

Kooxda Juventus ayaa diiday dalabkii ay chelsea ka gudbisay saxiixa daafaca dhexe ee Matthijs de Ligt ee isugu jiray lacagta iyo xiddiga Timo Werner iyaga oo sheegay in ay kaliya doonayaan lacag toos ah sida ay sheegayaan wararku.

Thomas Tuchel ayaa suuqa ugu jira daafac dhexe kadib bixitaankii xiddigaha Antonio Rudiger & Andreas Christensen kuwaas oo qaab xor ah uga tagay kooxda.

Kadib markii uu Jules Kounde iska diiday ku biirista chelsea, Kooxd Tuchel ayaa dareenkeeda u jeedisay saxiixa daafaca Juventus ee De Ligt.

Blues ayaa la rumaysanyahay in ay Juventus miiska u saartay lacag dhan 40 milyan oo euro iyo waliba xiddiga Timo Werner.

Laakiin sida laga soo xigtay wargayska Tuttosport, Juventus ayaa isla markiiba diiday dalabkaas si cadna ugu sheegtay chelsea in ayna rabin wax xiddigo ah.

Juventus ayaa chelsea u sheegtay in ay doonayso lacag toos ah sidaas darteed ayna wax xiiso ah u qabin saxiixa Timo Werner.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles