Gudomiye CIRO Oo ka hadlay Xuska 26-ka Juun

“doorashooyin xor iyo xalaal ah, Ilaahayna ku guuleeyo Shacabka Somaliland”

 

Musharraxa madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sidan uga hadlay xuska Munaasibada 26ka Juun:- “Waxa aan salaan, hambalyo iyo bogaadin balaadhan u dirayaa Shacabkayga Jamhuuriyadda Somaliland, xuska munaasibadda 62-dan guurada, 26ka-June 1960-kii oo ahayd maalintii aynu xornimada ka qaadannay Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska. Waxaa faan & taariikh weyn inoo ah in aynu nahay curadkii Soomaalida oo dhan u horseeday Madax-bannaanida & Gobonnimada.

Ilaahay-na waxa aan innooga baryayaa in sannadkan iyo sannado kale oo badan innagu gaadhsiiyo, midnimo dhexdeenna ah, aqoonsi caalami ah, horumar-waara, doorashooyin xor iyo xalaal ah, Ilaahayna ku guuleeyo Shacabka Somaliland samirka iyo dhabar-adaygga ay u sameeyeen Qarankooda ay halganka dheer u soo galeen. Dalkeenna Somaliland-nna guul iyo gallad Eebe korkiisa ha saaro.

Walaalayaal, ku ciida farxad, nabad iyo hiigsi aan gudhayn, ballanteennuna waa midnimo, walaalnimo, iyo gobannimo.”

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles