Xog cusub Arsenal Iyo Gabriel Jesus

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga Gabriel Jesus 7 ilaa 10-kaa maalmood ee soo socda sida laga soo xigtay Sportsmail.

Waxa la fahamsanyahay in ay Gunners iyo Man City ku dhaw yihiin in ay heshiis ka gaadhaan saxiixa xiddiga 25 jirka ah.

Waxa jirta kalsooni ay Arsenal ka qabto saxiixa xiddiga oo ah bartilmaameedka 1-aad ee Mikel Arteta si uu ugu xoojiyo weerarkiisa.

Kooxda Arsenal ayaa saxiixa Jesus ka bixin doonta lacag dhan 50 milyan oo euro iyada oo labada kooxood wadahadalo ku jiraan todobaadyadii ugu dambeeyay.

Xiddiga Jesus ayaa doortay ku biirista kooxda Arsenal isaga oo iska diiday kooxaha chelsea iyo Tottenham oo doonayay saxiixiisa.

Heshiiska Jesus ee Man City ayuu ka dhimanyahay hal sano waxana uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda ku ciyaarta Etihad si uu u helo koox uu joogto ugu ciyaaro.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,433FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles