Xiddig Wacdaro Ka Dhigay Premier League iyo Real Madrid.

Real Madrid ayaa la sheegay inay isha ku hayso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Tottenham ee Son Heung-min inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan ka dib markii ay seegtay saxiixyada Kylian Mbappe iyo Erling Haaland.

Iyadoo Mbappe uu doortay inuu qandaraaska u kordhiyo PSG iyo Haaland oo ku biiray kooxda Man City kooxda Ancelotti ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga Tottenham.

29-sano jirkaan ayaa ku guuleystay kabta dahabka ah ee gool Premier League xilli ciyaareedkii hore isagoo dhaliyay 23 gool horyaalka.

Wariyaha Rudy Galetti ayaa ku waramaya in Real Madrid ay la socoto qaab ciyaareedka weeraryahano kala duwan oo ay doonayso in ay ku xoojiso kooxdeeda.

Xiddigaha ay la socoto waxa ka mid ah xiddigaha Tottenham ee Son oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay premier League.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,364FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles