Suuqa Kala Iibsiga Iyo Lewandowski Oo Hogaaminaya 3 Saxiix Oo Ay Barcelona Doonayso In Ay Dhamaystirto

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddigaha Robert Lewandowski, Bernardo Silva iyo Jules Kounde inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Lewandowski ayaa u sheegay Bayern in uu doonayo in uu isaga tago kooxda suuqa xagaagan waxana lala xidhiidhinayaa kooxda Barcelona.

Kounde ayaa dhankiisa la rumaysanyahay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Sevilla waxana lala xidhiidhinayay chelsea laakiin daafaca reer France ayaa doonaya in uu ku biiro Barcelona.

Dhanka kale Bernardo Silva ayaa la sheegayaa in uuna ku faraxsanayn Man City isla markaas doonayo in uu ku biiro Barcelona suuqa xagaaga.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, inkasta oo ay Barcelona ku jirto dhibaato dhaqaale hadana waxa ay keeni kartaa 3-da xiddig ee kor ku xusan.

Kooxda Barcelona ayaa haatanba qaab xor ah ku dhamaystirtay saxiixyada Andreas Christensen iyo waliba Franck Kessié kuwaas oo ay kala soo wareegtay chelsea iyo Ac Milan.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,365FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles