Waxa la soo saaray shaxda ugu qaalisan adduunka kubada cagta iyada oo ay ku jiraan 6 xiddig oo premier League ah.
Kadib dhamaadkii xilli ciyaareedka 2021/2022, Shabakada Transfer Market ayaa soo saartay shaxda ugu qiimaha badan ama ugu qaalisan kubada cagta.
Lacagta shaxda la soo saaray ayaa ku kacaya 884 milyan oo euro iyada oo la soo qaatay qiimaha ay xiddigaha kubada cagtu haatan ka joogaan suuqa.
Xiddigaha kooxda PSG iyo Man City ee Kylina Mbappe (144) & Erling Haaland (135) ayaa ah xiddigaha ugu qaalisan kubada cagta haatan.
Xiddigaha Mohamed Salah, Phil Foden, Vinicius Junior, Trent Alexander-Arnold ayaa sidoo kale ku jira shaxda ugu qaalisan kubada cagta.
Hadaba Halkan Hoose Kaga bogo shaxda ugu qaalisan kubada cagta wakhti xaadirkan:
Goolhaye– Thibaut Courtois ( Real Madrid ) £54m
Daafaca – Trent Alexander-Arnold ( Liverpool ) £72m, – Ruben Dias ( Manchester City ) £67m, – Matthijs de Ligt ( Juventus ) £63m, – Alphonso Davies (Bayern Munich) £63m
Khadka dhexe– Declan Rice ( West Ham ) £72m
Garbaha weerarka– Mohamed Salah (Liverpool) £81m, – Phil Foden (Manchester City) £81m, – Vinicius Jr (Real Madrid) £90m
Weerarka – Erling Haaland (Manchester City) £135m, – Kylian Mbappe (Paris-Saint Germain) £144m