Man United Iyo Frenkie de Jong Xog Ku adan Dadaalada Ay Ku Doonayso Saxiixiisa…

Agaasimaha guud ee kooxda Manchester United Richard Arnold ayaa sabtidii la kulmay tiro ka mid ah jamaahiirta kooxda ee ka niyad jabsan qaabka liidata ee ay kooxdu ku bilaabatay suuqa kala iibsiga isaga oo hoos u dhigay cabsidooda.

Red Devils ayaa Erik ten Hag ka dhigatay tababarohooda cusub iyaga oo ku badalay Ralf Ragnick oo qaab ku meel gaadh ah ku sii hayay kooxda.

Man United ayaan wali wax saxiix ah samayn suuqa kala iibsiga inkasta oo ay kooxaha kale ee premier League dhamaan saxiixyo sameeyeen marka laga reebo chelsea.

Kooxda Man United ayaa lala xidhiidhinyaa xiddigo uu ugu weyn yahay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong.

Taageerayaasha ayaa Richard Arnold wax ka waydiiyay dadaalka ay Man United ugu jirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong.

“Kooxd ahaan wax walba oo suurtagal ah waan u samayn doonaa si aan u dhamaystirno saxiixa Frenkie de Jong”ayuu ugu jawaabay.

“Muddo maalmo ah ayaan soo jeeday in aan u dhamaystirno heshiiska kooxduna way haysaa lacag ay ku ku dhamaystirto heshiiska”ayuu sii raaciyay.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,365FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles