Bayern Munich iyo Sadio Mane…

Xiddiga Liverpool ee Sadio Mane ayaa Salaasada u duuli doona Germany si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Bayern Munich.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo garoonka Allianz Arena lagu soo bandhigo kadib marka uu dhamaystiro tijaabada caafimaadka.

Mane ayaa isaga tagaya kooxda Liverpool kadib sanado cajiib ah oo uu la soo qaatay kooxda ku ciyaarta Anfield kulana guulaystay koob walba oo uu ciyaaray.

Liverpool iyo Bayern Munich ayaa jimcihii ka heshiiyay qiimaha xiddiga iyada oo Bayern Munich ogolaatay in ay bixiso lacagta ay Liverpool doonayso ee 42 milyan oo euro ah.

Bayern ayaa sidaas darteed isku diyaarinaysa in ay soo bandhigto xiddigeeda cusub maalinta Salaasada iyada oo diyaarisay wax walba oo ku saabsan soo bandhigista xiddiga.

Mane ayaa taageerayaasha Bayern loogu soo bandhigi doonaa garoonka Allianz Arena isaga oo markaas la arki doono isaga oo xidhan maaliyada kooxda Bayern

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,365FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles