Kooxda chelsea ayaa xiiso dhab ah u qabta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Everton ee Richarlison sida laga soo xigtay saxafiga Simon Phillips.
Saxafiga ayaa sheegaya in uu Tuchel taageere weyn u yahay weeraryahanka Everton isla markaas doonayo in uu la soo saxiixdo xiddiga.
Chelsea iyo Tuchel ayaa u doonaya saxiixa xiddiga 2 sabab darteed kuwaas oo ku qasbaya in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga reer Brazil.
Sababta ugu horaysa ayaa ah qiimaha xiddiga oo aad u hoosayn doona marka loo eego suuqa maanta oo ah mid aan si dhib yar lagu helin weeraryahano.
Sababta kale ayaa ah in uu xiddigu khibrad fiican u leeyahay hpryaalka premeir League isla markaas uuna la qabsi u baahnayn.
Chelsea ayaa suuqa ugu jirta badalka Lukaku kaas oo ku dhaw in uu ku biiro kooxda Inter Milan inta lagu jiro suuqa xagaagan.