Arsenal Oo Ku Dhawaaqayso Saxiixa Fabio Vieira…

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay saxiixa xiddiga Fabio Vieira ku dhawaaqi doonto wakhti dambe oo maanta oo jimce ah sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa horay loola xidhiidhinayay kooxaha Man United iyo Liverpool iyada oo Liverpool iska diiday in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga suuqa xagaagan.

Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa haatan qarka u saaran in ay Fabio Vieira ka dhigto saxiixeedii 2-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Lacagta ay Arsenal ka bixinayso ayaa kor ugu kici doonta lacag dhan 40 milyan oo euro waxana ay u Muuqataa in ay Gunners dhamaystirayso heshiiska xiddiga.

Sida laga soo xigtay wargayska Express, Fabio Vieira ayaa xalay yimid London si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo Arsenal.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal saxiixa xiddiga ku dhawaaqi karto saacadaha soo socda maanta oo jimce ah.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,365FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles