Sir uu kashikay Dusan Vlahovic…

Xiddiga Juventus ee Dusan Vlahovic ayaa sheegay in uuna marna qalbiga ku hayn in uu ku biiro Arsenal intii lagu jiray suuqii January.

Gunners ayaa aad u doonaysay saxiixa xiddiga iyaga oo xitaa dalab 50 milyan ah ka gudbiyay saxiixiisa.

Laakiin xiddiga 22 jirka ah oo wakhtigaas u ciyaarayay kooxda Fiorentina ayaa doortay ku biirista Juventus xilli uu Xitaa xiddigu Telefoonka ka qaban waayay Arsenal.

Vlahovic ayaa ugu dambayn kashifay sababtii uu isaga diiday kooxda Arsenal una doortay ku biirista kooxda Juventus.

“Waxa laga yaabaa in uu wakiilkaygu garanayo dalabkii Arsenal laakiin cidna kalama hadlin arintaas”ayuu Vlahovic yidhi.

“Kaliya waxa jirtay hal koox oo aan doonayay waxana ay ahayd Juventus marna kama fikirn ku biirista Arsenal”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,365FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles