Erling Haaland Oo Kashifay Sababtii Uu U Doortay Ku…

Weeraryahanka kooxda Man City ee Erling Haaland ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu u doortay ku biirista kooxda Man City.

Haaland ayaa maanta Si Rasmi ah loogu soo bandhigay saxaafada isaga oo noqday xiddig cusub oo kooxda Man City ah.

Kooxda Man City ayaa saxiixa xiddiga ku garaacday kooxo badan oo ay ka mid yihiin Real Madrid iyo PSG kuwaas oo doonayay saxiixiisa.

Haaland oo arintaas ka hadlaya markii lagu dhawaaqay saxiixiisa ayaa yidhi”Waxaan ku dhashay England, sidaas darteed waxaan ahaa taageere Man City nolosheyda oo dhan, wax badan ayaan ka aqaanaa kooxda”.

“Waxaan dareemayaa inaan gurigayga joogo, waxa aan soo daawaday kulamo badan oo Man City ah sidoo kale waxa aan qabaa in aan horumar ku samayn karo kooxda Man City”.

“Ku Biirista Man City way ii fiicantahay aniga, aad ayaan ugu faraxsanahay, waxa jooga xiddigo badan oo cajiib ah iyo waliba Guardiola oo ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka sidaas darteed waxa aan joogaa kooxdii saxa ahayd”ayuu sii raaciyay.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,365FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles