“Xukuumadda Biixi in aanay sharciga wax dan ah ka lahayn hore ayay u caddaysay”
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay xadhiga Xukuumada Muuse Biixi kula kacday Masuuliyiin ka tirsan Xisbigiisa Waddani.
Xirsi ayaana sheegay in ay xukuumada Muuse Biixi caadaysatay jabinta sharciga, sida uu gudoomiyuhu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay
“Xadhigga loo geystay guddoomiye kuxigeenka xisbiga Waddani, Mudane Axmed Cumar Cabdilaahi Xamarji, waa mid ka mid ah farsamooyinka ay xukuumadda KULMIYE doonayso inay ku wiiqdo bannaanbaxa salmiga ah ee lagu badbaadinayo dimuqraadiyadda iyo dastuurka Somaliland.
Xukuumadda Biixi in aanay sharciga wax dan ah ka lahayn hore ayay u caddaysay, Xamarji iyo masuuliyiinta kale ee mucaaradka ah ee xidhanina waa ay soo bixi doonaan, hase yeeshee taageerayaasha dhiirran ee xisbiga WADDANI iyo shacbiga Somaliland ee u taagan badbaadada dalka cidna ma hor istaagi karto mana baaqan doono, taageerayaashayaduna waa wada Xamarji ee ha ku biyo cabbaan.
Ballanteennu waa badbaadada dalka, dastuurka iyo dimuqraadiyadda.” Ayuu gudomiye Xirsi yidhi.