Sida uu qorshuhu yahay, waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhici doonta xafladda caleemo-saarka madaxweynaha 10 aad ee jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xsan Sheekh Maxamuud, taas oo ay ka qeybgali doonaan madaxweyniyaal iyo ra’iisul wasaariyaal dalalka caalamka ka kala socda.
Guud ahaan isu socodka gaadiidka dadweynaha ee magaalada ayaa la hakiyay sababo la xiriira sugidda ammaanka xafladda iyo martida caalamiga ah ee imaanaya caasimadda.