Deg Deg, Alexandre Lacazette…

Kooxda Lyon ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette.

Xiddiga ka ciyaara weerarka ee Alexandre Lacazette ayaa isaga tagay kooxda Arsenal kadib 5 xilli ciyaareed oo uu ku qaatay Emirates.

Alexandre Lacazette ayaa qaab xor ah uga tagay kooxda Arsenal kadib markii uu dhamaaday heshiiskii uu kula jiray kooxda Gunners.

Kooxda Lyon ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiijisay in ay Alexandre Lacazette ka saxiixatay heshiis 3 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda.

Alexandre Lacazette ayaa Lyon ka tagay 5 sano ka hor isaga oo ku biiroy kooxda Arsenal halkaasna ku qaatay sanado uu kooxda kula guulaystay koobka FA Cup-ka.

Xiddiga Alexandre Lacazette ayaa soo afjaray 5 sano oo uu joogay Arsenal waxana uu ku soo laabtay kooxdiisii hore ee uu markii hore kaga biiray Arsenal.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,364FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles