Bayern Munich Ku Xidhay shurud…

Kooxda Bayern Munich ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Sadio Mane kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan weerarkooda.

Bayern ayaa laba dalab laga diiday ilaa haatan xilli ayna wali ka quusan la saxiixashada xiddiga reer Senegal inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Kooxda Bayern Munich ayaa markii ugu horeeyay laga diiday dalab dhan 21 milyan oo euro iyo 4 milyan oo Gunooyin ah si ay u hesho xiddiga.

Laakiin Bayern ayaa Liverpool kula soo laabatay dalab lacageed oo dhan 22.5 milyan oo euro iyo 7.5 milyan oo Gunooyin ah si ay u hesho Mane.

Si kasta ha ahaatee lacagaha gunooyinka ah ayay Bayern ku xidhay shardiyo la yaab leh taas oo ka xanaajisay kooxda Liverpool.

Labada shardi ee ay Bayern ku xidhay in ay Liverpool hesho Gunooyinka ayaa ahay in uu Sadio Mane 3 jeer oo xidhiidh ah ku guulaysto abaalmarinta Ballon d’Or iyo in ay kooxddoodu ku guulaysato champions League 3 jeer oo xidhiidh ah.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,364FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles