Waxaa la billaabay qiimeynta waxqabadka Golaha wasiiradda…

Waxaa la billaabay qiimeynta waxqabadka sannadkan 2014-ka t.i ee wasaaradaha heer federaal.

Golaha Wasiirrada ayaa waxay qiimeynta waxqabadka 2014-ka t.i Ugu billaabantay magaalada Awaash. Qiimeyntan oo uu hoggaaminayo Ra’iisul-wasaaraha Dalka, Dr. Abiy Axmed ayaa waxay dhammaan wasaaraduhu ku soo bandhigeen war-bixinta waxqabadkooda 10-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Waxaana war-bixinta waxqabadka halkaasi ka soo jeedisay Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta, Dr. Fitsum Assefa. In kasta oo sannadkan dalku uu soo maray cadaadis dibadda iyo gudahaba ka jiray haddana waxaa la awooday in dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee dalku uu sii socday oo uuna hakanin.

Waxaana la sheegay in ganacsiga maciishadda dibadda lagu daboolo wax-soo-saarka dalka gudihiisa, islamarkaana uu mashruuca wabiga Abay billaabo dhalinta quwadda korontada oo qeyb ka ah shaqooyinka sannadkan qabsoomay oo faa’iidooyin ballaadhan u lahaa dalka.

 

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,365FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles