Diinta islamka waxa qatay lacag ka wayne Ee Thomas Partey

Xiddiga khadka dhexe ee khadka dhexe ee Kooxda Arsenal Thomas Partey ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibtiis oo u dhalatay Morocco Sara Bella ay tahay sababta ka dambeysay inuu qaato diinta Islaamka.

Xiddiga khadka dhexe oo adduunka ka yaabsaday kadib markii uu Qaatay diinta Islaamka bishii March ayaa haatan sharaxay sababtii ka dambaysay in uu qaato Diinta ugu fiican adduunka ee Islaamka.

Xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey ayaa sheegay in uu Diinta Islaamka u qaatay Jacaylka uu u qabao saaxiibtiis oo ah gabadh muslim ah.

“Waxaan haystaa gabadh aan jeclahay laakiin inta badan kama hadlo”ayuu Partey yidhi.

“Saaxiibaday ayaa ah Gabadh Muslimad ah waana sababta aan u galay Diinta Islaam-ka”ayuu sii raaciyay.

Xiddiga Thomas Partey ayaa xulka qarankiisa Ghana u soo saaray koobka adduunka Qatar 2021 isaga oo dhaliyay gool kulankii is reeb-reebka ee ay dhaafeen xulka Nigeria.

Thomas Partey ayaa markii uu Qaatay Diinta Islaamka la baxay Magac muslim oo ah Yacquub inkasta oo aan loogu daabici doonin dhabarka maaliyada uu ku ciyaaro.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,365FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles