Labo wariye oo ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku dhaawacmay, halka darawal la socdayna la dilay ka dib markii gaarigii ay saarnaayeen la Rasaaseeyay xilli uu ku sii jeeday magaalada Severodonetsk ee dalka Ukraine.
Sawir qaade Alexander Ermochenko iyo sawir qaade Pavel Klimov ayaa Jimcihii ku safrayay baabuur ay siiyeen ciidamada Ruushka ee taageeraya qeybta uu Ruushku haysto ee jidka u dhexeeya Severodonetsk iyo magaalada Rubizhne.