Maamulka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Taliska Ciidanka Booliska Dagmada ayaa ku amray milkiilayaasha gaadiidka moota bajaajta ee ka shaqeeya Degmada Gaalkacyo inay iska diiwan galiyaan si ugu dhaqsaha badan Taliska Ciidanka Booliiska ee Gaalkacyo
Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Gaalkacyo Kabtan Cali Xirsi Sahal oo si wadajir ah ula hadlay Warbaahinta ayaa mudo kooban u qabtay milkilayaasha gaadiidleyda bajaajta inay isku diwaan galiyaan