DEG-DEG: Heshiis dhacmaray Sadio Mane iyo Bayern Munich 

Xiddiga Liverpool Sadio Mane ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday heshiis seddex sanno ah oo uu ku sii joogayo Bayern Munich iyadoo haatan ay socdaan wadahadalo u dhaxeeya labada kooxood si looga heshiiyo qiimaha xiddiga.

Xiddiga 30 jirka ah ee reer Senegal ayaa maamulka kooxda Liverpool u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka si uu tartan cusub u qaato.

Xiddiga ayaa qarka u saaran in uu isaga tago kooxda Liverpool kadib 6 sano oo uu joogay Anfield waxana uu ku dhawyahay in uu ku biiro Bayern Munich.

Xiddigii hore ee Southampton ayaa kooxda Bayern Munich la gaadhay heshiis 3 sano ah oo uu ugu biiri doono kooxda reer Germany.

Kooxda Bayern Munich ayaa haatan bilowday in ay wadahadalo la qaadato kooxda Liverpool si ay ugala heshiiso qiimaha ay ku iibinayso xiddiga.

Bayern ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda dalab Rasmi ah oo furitaan ah ka gudbiso saxiixa Mane si ay u helaan saxiixiisa.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,364FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles