Real madrid iyo Liverpool? Steven Gerrard Oo Saadaaliyay Final-ka Champions League.

Steven Gerrard ayaa saadaaliyay natiijada ciyaarta finalka Champions League kadib markii uu daawaday Liverpool iyo Real Madrid oo tababar ku qaadanaya magaalada Paris.

Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa ku tartami doona ku guulaysiga koobka ugu weyn kooxaha yurub kulan ka dhici doona garoonka Stade de France.

Guul ay Liverpool gaadho ayaa ka caawinaysa kooxda Jurgen Klopp ku guulaysiga koobkii 3-aad ee xilli ciyaareedkan kadib markii ay horay ugu guulaysteen FA Cup-ka iyo Carabao cup-ka.

Dhanka kale Real Madrid ayaa ku guulaysan doonta koobkii 2-aad ee xilli ciyaareedkan kadib markii ay horay ugu guulaystay horyalka La Liga.

Halyeeyga Liverpool ahna tababaraha Aston Villa ee Gerrard ayaa daawaday tababarka labada kooxood maalintii jimcihii ka hor kulankooda caawa waxana uu dhiibtay saadaashiisa ku aadan kulanka.

“Waxan doonayaa in aan Liverpool u rajeeyo nasiib wacan kulanka finla, waxa aan rajaynayaa in natiijadu noqoto mid ay cid walba rabo”ayuu Gerrard yidhi.

“Waxa uu noqon doonaa kulan fiican waxana aan saadaalinayaa in ay Liverpool ku badin doonto 2/0″ayuu sii raaciyay.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,364FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles