“Sidaa markey tahey waxaa xeer ah in maxkamadda sarre loo gudbiyo dacwad”
Xildhibaan Guruuje oo kamid ah golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo jeediyay in dib loodhigo doorashada Madaxtoyada iyo sidoo kale furista ururada siyaasada Somaliland.
Xidhibaanka ayaana sharaxaya sida ay sharci ahaan suuro gal utahay indib loodhigo labadan dooraso.
.
” xalkii iyo xeerkiiba anaa haya ” .
Xalka ugu dhaw ee maanta suurta galka ihi waa in xisbiyadda iyo madaxwaynahaba waqtigga loo koordhiyaa , doorashadda madaxwaynuhuna ay ahaataa ta ugu soo horaysa .
Hadii xalku sidaa yahey sidee xeerka loo waafajinayaa .
Xeerka doorashooyinka qaranka ee xeer no 91 ma sheegayo si loo qabto doorasho toos ah oo ururo siyaasadeed ku tartamaan , doorasho noocaas ahna xeer inooga yaalaa ma jirro .
Dhinaca kale go’aankii maxkamadda sarre wuxuu sheegayay in qabyadaas xeerarka goleyaashu dhamaystiraan , qabyadaasina weli waa halkeedii cidina uma dhaqaaqin .
Sidaa markey tahey waxaa xeer ah in maxkamadda sarre loo gudbiyo dacwad fisiraad sharci ah oo laggu dalbanayo in inta xeerkaas qabyada ah goleyaashu dhamaystirayaan in doorashadda ururadda dib loo dhiggo 3 sanadood , sidii golaha baarlamaanka intii xeerkii saami qaybsigu soo baxayay dib loogu dhigi jirey” ayuu yidhi Xildhibaanku
Hadddii laqaato taladan uu soo jeediyay xildhibaan Guruuje, waa mid ay faa’iido ugu jirto Muuse Biixi oo isagu udiyaargaroobay Muddo kordhin sidii uu ku heli lahaa.