dagaal dhexmaray Canfarta iyo Soomaalida

Dsgaalka ayaa waxaa uu Galbeedka Gobolka Sitti ee dowlad degaanka soomaalida uu ku dhexnaray Ciidamo iyo maleeshiyaad Soomaali ah iyo maleeshiyaadka Canfarta oo kamid ah qowmiyadaha dega Itoobiya.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada iyo maleeshiyaadka Canfarta ay weerar ku qaadeen degaanka Cundhufa , halkaas oo ay degan yihiin Soomaalida, waxaana dagaal xoogan oo ka dhacay la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen 8 Ruux 7 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay Aagag kala duwan, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in Ciidamada iyo Maleeshiyaadka Canfarta ay dib ugu laabteen halkii ay kasoo weerar tageen kadib markii ay iska caabin kala kulmeen Soomaalida Xoolo dhaqatada ah ee kunool degaanka Cundhufa ee dowlad degaanka Soomaalida.

Dagaalka Soomaalida iyo Canfarta ayaa kusoo laab laabtay dhulka Soomaalida Itoobiya, iyada oo dowladda Itoobiya ay kor ka fiirsaneyso dagaalka, isla markaana aysan weli qaadin tallaabo looga hortagayo ama markii uu dhaco lagu joojinayo.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,364FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles