MADAXAWEYNE XASAN SHEEKH OO MAANTA LA WAREEGAY XILKA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA…

  1. MADAXAWEYNE XASAN SHEEKH OO MAANTA LA WAREEGAY XILKA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad heerkeedu sarreeyo oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka, waxa uu xilka Madaxweynaha JFS kaga la wareegay Madaxweynihii 9-aad ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey walaalkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaamintiisii dalka, dadaalkii uu geliyey dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Madaxweynihii sagaalaad ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey walaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS, isaga oo Alle uga baryey in uu fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan dowladda cusub.

Munaasabadda Xilwareejin Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa ka soo qayb galay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, madax xilal sare ka soo qabtay dalka, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo marti sharaf kale.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

 

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,365FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles