Liverpool Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa Xagaaga.

Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga kadib dhamaadka premier League.

Liverpool ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Fabio Carvalho kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Fulham.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah waxana uu noqday saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga.

Xiddiga Fabio Carvalho ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo Fulham ka caawiyay in ay u soo dalacdo premier League.

Xiddiga reer Portugal ayaa si Rasmi ah u noqon doona xiddig Liverpool ah 1 bisha July markaas oo uu suuqa kala iibsiga xagaagu furmi doono.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,365FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles