Goolhayaha Kooxda Liverpool ee Alisson ayaa ku guulaystay Goolhayaha ugu fiican premier League xilli ciyaareedka.
Alisson ayaa abaalmarinta Golden glove la gudoonsiiyay kadib dhamaadka kulankii Wolves oo ahaa kulankii ugu dambeeyay xilli ciyaareedka.
Goolhayaha Liverpool ayaa ku guulaystay abaalmarinta Golden glove ee la siiyo Goolhayaha Ugu Fiican xilli ciyaareedka kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.
Alisson ayaa shabaqiisa ilaashaday 20 kulan oo ka mid ah 38-kii kulan ee uu ciyaaray xilli ciyaareedka premier League.
Goolhaye Alisson ayaa door weyn ka ciyaaray qaab ciyaareedka kooxdiisa oo kaalinta 2-aad kaga dhamaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedka.