Saxiixii Ugu Horeeyay Ee Arsenal Suuqa Xagaaga Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Kooxda.

Arsenal ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga kadib markii ay Sao Paulo kala heshiisay qiimaha Marquinhos.

Xiddiga reer Brazil ayaa yimid London Si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Gunners si uu u dhamaystiro heshiiska.

Marquinhos ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda 1-aad ciyaaray 18 bilood ka hor waxana uu qabtay indhaha kooxda Arsenal.

Sida laga soo xigtay Goal, xiddiga da’yarka ah ayaa dhamaystiray warqadihii uu heshiiska ugu biirayay kooxda Arsenal uu maanta mari doonaa tijaabada caafimaadka.

Arsenal ayaa xiddiga u qaadi doonta tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyada oo uu Mikel Arteta xiddiga siin doono fursad uu ku muujiyo in uu uga qayb noqon karo kooxda 1-aad xilli ciyaareedka dambe.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,365FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles