Arsenal Oo U Soo Baxday Chamions League…

Mikel Arteta ayaa qirtay in ku guul dareysiga u soo bixista Champions League ay ahayd fursad ay iska lumisay kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa 4 dhibcood ka horaysay Tottenham kaalinta 4-aad iyada oo 4 kulan ka dhiman yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka laakiin laba guuldaro oo xidhiidh ah ayaa keentay in ay Arsenal lumiso kaalinta 4-aad.

Arteta ayaa yidhi”Shaki la’aan waxa ay noqon doontaa fursad ay Arsenal isla lumisay sababta oo ah waxa ay ku jirtay gacanteena kulamo badan”.

“Dareenkaas wakhti dheer ayuu ku jiri doonaa qalbigeena iyo maskaxdeena”ayuu Arteta sii raaciyay.

Laakiin Arteta ayaan wali rajo dhigin waxana uu leeyahay rajo ah in ay Arsenal mar kale heli doonto fursad kale maalinta ugu dambaysa premier League.

“Wali waa suurtagal in aan u soo baxno champions League wali waxa la ciyaari doonaa kulan wax walbana way dhici karnaa wali waxa aan ka rajo qabnaa in aan ku dhamaysano kaalinta 4-aad”ayuu sii raaciyay.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
3,365FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles