Kooxaha juventus iyo Inter Milan ayaa isaga hor imid final-ka tartanka Italian Super Cup iyada oo labada kooxood isha ku hayaan ku guulaysiga koobka.

Kulanka ayaa ahaa mid Juventus laga awood badnaa dhanka maamulista ciyaarta xilli ay kooxda Juventus ku dhibaatootay in ay kubada la qaybsato.

Juventus ayaa laakiin adeegsanaysay weeraro rogaal celis ah iyaga oo doonayay in ay Inter Milan sidaas gool kaga dhaliyaan maadama ayna kubada la qaybsan karin.

Daqiiqadii 25-aad ayay Juventus dhalisay goolka 1-aad waxana madax u dhaliyay xiddiga Weston McKennie kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kadib goolkaas Inter Milan ayaa laba jibaartay dadaaladii ay ku doonaysay in ay ku dhaliso goolka bar-baraha xilli ay Juventus difaac gashay.

Daqiiqadii 35-aad ayay Inter Milan heshay rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga Lautaro Martinez kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 1/1 ah.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayayna labada kooxood wax gool ah kala dhalin inkasta oo ay sameeyeen fursado wax ku ool ah oo laga filan karay gool.

Waxaa lagu daray waqti dheeri waaxaaana maamulka kubadda ku sareysay Inter Milan  balse fursadda goolka ayaa ka maqnaa

Waqtigii dheeriga ciyaarta waxa ay noqotay mid jireed mana jirrin dhan dhan ay laheyd

Inter ayaa halis aheyd kubadana ka haysatay Juve ilaa ay keenen gool labaad daqiiqadii 120-aad waxaana dhaliyay Alexis Sanchez waxa ayna ciyaarta ku dhamatay 2/1 xilli maamuka Inter ee kulanka uu gaarayay %63