Xiddiga David Alaba ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka EL Clasico ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Barcelona kulanka Semi-final-ka Spanish Super Cup-ka.

Saxafiga lagu kalsoonyahay ee Arancha Rodriguez ayaa sheegay in dhaawac muruqa ah sabab u noqday in uu xiddigu seego kulanka adag ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Barcelona.

Xiddiga ayaa muhiim ka noqday kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan isaga oo joogto ka noqday shaxda tababare Ancelotti tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda xagaagii.

Alba ayaa daafaca dhexe ka dhigtay booskiisa joogtada ah isaga oo ka garab ciyaara xiddiga Militao kuwaas oo ah xiddigaha laf dhabarta u ah daafaca kooxda Real Madrid.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Real Madrid kuwaas oo doonaya in ay iska xaadiriyaa final-ka tartanka Spansih Super Cup-ka sanadan.