Premier League ayaa ku jira fasax gaaban iyada oo aan la ciyaarin horyaalka todobaadkii ugu dambeeyay iyada oo kooxuhu diirada saarayaan tartamada FA Cup-ka iyo Carabao cup-ka.

Taageerayaasha Premier League ayaa soo doortay shaxda ugu fiican ilaa haatan premier League kadib markii ay BBC Sport waydiisay in ay doortaan shaxdooda ugu fiican xilli ciyaareedkan.

Shaxda taageerayaasha ayaa ah mid 4-4-2 ah iyaga oo soo xushay xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay ilaa haatan xilli ciyaareedka premier League.

Waxa la yaab leh in laga waayay shaxda taageerayaasha xiddig kooxda Man City ah inkasta oo ay Kooxda Pep Guardiola hogaaminayso horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig halka kooxaha Chelsea, West Ham iyo Brighton shaxda ku leeyihiin min 2 xiddig.

Kooxaha Arsenal iyo Crystal Palace ayaa dhankooda shaxda taageerayaasha ee ugu fiican premier League ku leh min hal xiddig.

blog_image