Xulka Qaranka Senegal ayaa guul ku bilowday koobka qaramada qarada Africa kadib markii ay guul wakhti dambe ah ka gaadheen xulka Zimbabwe kulankii ugu horeeyay labada xul ee tartanka.

Labada xul ayaa u ciyaaray si fiican waxana ay doonayeen dhibcaha kulanka xilli ay sameeyeen dadaalo wax ku ool ah oo ay ku doonayeen in ay ku badiyaan kulanka.

Xulka Senegal ayaa maamulayay ciyaarta sidoo kale ku fiicnaa dhanka weerarada xilli xulka Zimbabwe qaadayay weeraro rogaal celis ah isla markaas difaac adag hor dhigteen goolkooda.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay qaab bar-baro gool la’aan ah iyada oo ayna labada xul wax gool ah kala dhalin inkasta oo ay heleen fursado fiican oo gool laga dhalin karo.

Daqiiqadiihii ugu dambeeyay ee qaybtii dambe ee ciyaarta ayuu xulka Senegal helay rikoodhe waxana rikoodhadaas u istaagay xiddiga Liverpool ee Sadio Mane kaas oo gool u badalay fursadii uu helay.