Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay lasoo wareegto halyeeyga Real Madrid Luka Modric.

36-sano jirkaan ayaan weli heshiis cusub u saxiixin Los Blancos waxana uu heshiiskiisa haatan dhici doonaa xagaaga soo socda laakiin waxa jirta kalsooni ah in ay kooxdu heshiis cusub ka saxiixan doonto xiddiga.

Si kasta ha ahaatee Modric ayaa haatan galaya 6-dii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa Real madrid waxana uu heshiis la gaadhi karaa kooxaha ka baxsan Spain si uu ugu biiro xagaaga.

Sida laga soo xigtay El Nacional, Man City ayaa si gaar ah isha ugu heysa xaalada Modric iyada oo uu xiddiga reer Croatia ka niyad jabsanyahay in uuna wali heshiis la gaadhin kooxdiisa