Tababaraha Man United Ralf Rangnick ayaa qirtay inay jiraan Xiddigo Manchester United ah oo kooxda ku riixaya in ay isaga tagaan marka uu dhoco heshiiskooda kooxdu xagaaga.

Tababara Ragnick ayaan magacaabin xiddigaha laakiin Anthony Martial ayaa ugu horeeya Liiska kaas oo si toos ah kooxda uga codsaday in uu isaga tago suuqa January ee bishan.

Phil Jones ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa bixitaanka Man United kadib markii uu hal kulan u ciyaaray kooxda muddo 2 sano ah.

Xiddigaha Paul Pogba, Jesse Lingard, Edinson Cavani & Juan Mata ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiska Man United.

“Waxa jira xiddigo uu heshiiskoodu dhici doono xagaaga”ayuu Ragnick yidhi.

“Sidoo kale waxa jira hal ama laba xiddig oo kooxda heshiis kula jira oo doonaya in ay isaga tagaan kooxda”