Dowlad goboleedka Puntland ayaa soo dhaweeyay talaabadii uu maanta ra’iisul wasaare Rooble u qaaday dib u sixida siyaasada arrimaha dibbada ee dowlada Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi uu maamulka Puntland soo dhaweynayo.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay soo dhoweynaysaa tallaabada uu Ra’iisal Wasaarahaha XFDS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dib-ugu-saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale.”ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaan boggaadineynaa garowsiyaha iyo raallingelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey khaladkii April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka.”

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa ka mahadceliyay gargaarka ay dowlada Imaaraadka Carabta soo gaarsiisay dalka Soomaaliya.

“Dowladda Puntland waxay Dowladda Imaaraadka uga mahacelinaysa gurmadkii ay maanta u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen, waxaana rajeynaynaa gurmadkaasi inuu wada gaaro dhammaan dalka.”ayaa lagu yiri qoraalka laga soo saaray Madaxtooyada Puntland.

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa hore u soo dhaweeyay talaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble balse illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin maamulada Galmudug,Hirshabelle iyo Koofurgalbeed.