Paul Pogba ayaa garoomada ka maqnaan kara ilaa dhamaadka bisha February kadib markii uu dib ugu dhaawacmay tababarka ka soo laabashada dhaawacii hore.

Pogba ayaan Man United u ciyaarin tan ilaa bishii November kadib markii uu ku dhaawacmay tababarka xulka qaranka France xilli uu ku jiray waajibaadka xulka qarnakiisa.

Xiddiga reer France ayaa la filayay in uu garoomada ku soo laabto bilowga bishan January ee haatan lagu jiro laakiin soo laabashdiisa ayaa u muuta mid dib u dhacday.

Tababaraha Man United ee Ralf Ragnick ayaa sheegay in uu Pogba u baahanyahay 4 todobad oo kale si uu ugu soo laabto tababrka buuxa ee kooxda Man United.

“Todobaad ka hor waxa la ii sheegay in uu Pogba u baahanyahay 4 ilaa 5 todobaad oo kale”ayuu Ragnick yidhi.