Kooxda Man United ayaa gabi ahaan isaga hadhay Xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund Erling Haaland sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Norway ayaa ka mid ah weeraryahanada ugu fiican yurub kadib markii uu dhaliyay 76 gool 74 kulan oo uu ciyaaray.

Kooxo badan oo reer yurub ah ayaa xiiso u muujiyay Haaland Bilihii ugu dambeeyay kana mid yihiin Man City, Barcelona iyo Real Madrid.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Daily Star, Man United ayaa isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga aadka loo qiimeeyo.

Xiddiga ayaa la rumaysanyahay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid taas oo Man United ku qasabtay in ay aqbasho go’aanka iyo doorashada xiddiga