Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee ka dhex qarxay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo kaasoo la xiriira lacagta imaaraadka carabta laga qabtay sanadkii 2018 ee taal bangiga dhexe.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ku sheegay Mahad Salaad in arrinkan lagu kala ogaan doono in Guddoomiyaha Bangiga dhexe uu sharciga u hogaansan yahay iyo inkale.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraalkiisa waxa uu ugu horeyn ku bilaabay qaabka ay dowladu ku soo qabatay lacagtan.

“Lacagta Imaaraadka sifo sharci ah markii hore laguma soo qaban. Sidoo kale hay’adaha garsoorka looma gudbin dacwo la xariirta sharci ahaanshaha ama sharci darada soo gelitaanka lacagtaan. Waxa soo qabtay hay’adda Nabad Sugida, waxaana haya Bangiga Dhaxe, waxayna si toos ah u hoos tagaan hay’adda fulinta ee Ra’iisul Wasaare Rooble madaxda ka yahay.”

Qoraalkiisa ayuu ku sheegay Mahad Salaad inaysan jirin meel uga banaan Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday balse lagu kala ogaan doono go’aanka uu qaato guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

“Meel Farmaajo ugu banaan ee uu ka soo geli karana ma jirto. Lkn waxaa lagu kala ogaan doonaa Gudoomiyaha Bangiga Dhaxe inuu u hoggaansanyahay shuruucda dalka iyo in uu jeebka ugu jiro Farmaajo!”

Khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble ayaa sii xoogeysanaya iyadoo khilaafka dhanka maamulka maaliyada uu yahay kan ugu dambeeyay ee labada mas’uul ay ku ficiltamayaan.