Kooxda Liverpool ayaa si fog u dooneysa da`yarka Barcelona ee Gavi waxa ayna diyaar la yihiin mushaar madax wareer ku ridaya laacibka.

Liverpool waxa ay laacibka diyaar ula yihiin mushaar ka sareeya midkiisa haatan ee Barca si saxiixiisa u helaan waxaana warkaan qoraya wargeyska Daily Mail

Kooxo kale duwan ayuu soo jiitay 17 sano jirkaan waxaana ka mid ah Liverpool .

Liverpool waxa ay diyaar ula yihiin in ay siiyaan Gavi aduun dhan 96 kun oo euro todobaadkii

Qadkaas dhexe , waxa hishiiskiisa lagu bur burin karaa 50 milyan oo euro , waxa ayna Liverpool ka faa`ideysanayaan xaaladda dhaqaale ee ay Barca mareyso

Gavi ayaa ku biiray akdeemiyada Barca sanadkii 2015-kii waxaana kooxda koowaad loo soo dalacay sanadkii hore

Illaa iyo haatan waxa uu u saftay Barca 16 kulan oo horyaalka ah